Maamulada Puntland iyo Galmudug oo soo dhaweeyey madaxweynaha Soomaaliya

Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuud.

Wareysi uu siiyey BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, ayuu madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ku sheegay in doorashada madaxweyne Xasan ay tahay waa cuusb oo dalka u baryey.

“Arintaan waxaan u arkaa arin Soomaaliya u fureyso waa cusub iyo nolol cusub iyo madax cusub, waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan leeyahay aniga oo ka wakiil ah Galmudug ayaan leeyahay madaxweyne soo dhawoow,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna cadeeyey sida uu ugu faraxsanyahay isaga oo balan qaaday in maamul goboleedkiisu la shaqyen doono dowlada cusub.

“Waxaan jeclahay inaan muujiyo dareenkeyga aniga oo ku hadlaya magaca shacbigeeyga isbadalka weyn ee ka dhacay Muqdisho ee lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya afarta sano ee soo socoto, waxaan halmablyo u dirayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud waxaan kale oo aan hambalyo gaar ah u dirayaa xildhibaanada oo doortay nin dhalinyara ah oo aqoonyahan ah,” ayuu yiri.

Madaxweyne Faroole ayaa maalin ka hor sheegay in aysan taageeri doonin natiijada kasoo baxdo doorashada madaxweynaha hadii uu ku guuleysto garab ka mid ah Dowladi KMG-ka aheyd ee uu hogaamin jiray Sheekh Shariif.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here