Maamul loogu magac daray Khaatumo oo loogaga dhawaaqay magaalada Taleex

Waxaa galabta lasoo gaba gabeeyey shirki maalmahan magaalada Taleex uga socday waxgaradka kasoo jeedo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, iyadoo loogaga dhawaaqay maamul la magac baxay Khaatumo.

Afhayeenka shirka Khaatumo, Aadan Cabdulle Shuuriye ayaa u sheegay caawa BBC-da laanteeda afka Soomaaliga in loogaga dhawaaqay maamul goboleedka Khaatumo oo ay ku midoobi doonaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Maamulka ayaa yeelan doona sadex madax weyne oo wareegta ah, midkiiba wuxuu heyn doonaa mudo bilooyin ah, sidoo kale waxaa loogaga dhawaaqay golayaal kala duwan oo kala ah Golaha Wakiilada, Golaha Sare oo ah Golaha Dhaqanka, Golaha Wasiirada oo ka kooban lix xubnood iyo Golaha Garsoorka.

Shirkaan ayaa waxa uu dhabar jab aad u weyn ku noqon doonaa qorshihi madax banaanida maamulka isku magacaabay Somaliland kaasi oo hadii ay ka go’aan sadexdaani gobol noqon doono mid aad usoo koobma.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

Maamul goboleedka Khaatumo ayaa ah maamul hoos imaan doono dowlada KMG Soomaaliya, waxaana dadki dhisay ka mid ah siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya, sida ra’isulwasaarihi hore Dr. Cali Khaliif Galeyr, iyo wasiirki hore ee warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac.