Maamul Goboleedka Somaliland oo eedeeyn usoo jeediyay doowlada KMG

Maamulka Somaliland, ayaa mar kale ku eedeeyey Soomaaliya inay faro-gelin ku hayso, isla markaana ay sheeganayso dhul ka tirsan dhulka ay Somaliland ka taliso, waxaanay uga digtay inay sii waddo waxyaabaha kala fogaan iyo xasillooni-darro dhalin kara.

Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa Madaxda dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya uga digay inay sheegtaan dhul ka mid ah Somaliland,kuna qortaan Distoorkooda, taasoo uu cadeeyay inay gobolka ka abuuri karto Xasilooni daro dhinaca Amaanka ah.

Waxa uu Wasiirka arrimaha dibeddu sidaa ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Munaasibad Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE ku soo bandhigay Haweenay u sharraxan doorashada golaha deegaanka Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda waxa uu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay is taageeraan si ay Dumar badani ugu soo baxaan Doorashada dawladaha hoose oo la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 28/November/2012, xilligaas oo ay Guddiga doorashooyinku u cayimeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxa uu halkaas ka sheegay in wada-hadallada dhex-maray Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay salka ku hayaan sidii ay Somaliland qaddiyaddeeda uga iibin lahayd beesha caalamka.

Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Dastoorka cusub ee Soomaaliya loo sameeyay lagu sheegto sida uu hadalka u dhigay deegaanno ka tirsan dhulka uu ka taliyo Maamulka Somaliland, waxaanu xusay in arrintaasi ay xasillooni-darro ku soo kordhin karto Mandaqadda.

Sidaa daraaddeed, waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland inuu Madaxda dawladda Soomaaliya u soo jeedinayo inay ka waantoobaan sheegashada ay Waraaqaha ku qoranayaan qaybo ka mid ah Somaliland.

Maaha markii ugu horreysay ee hadalkan oo kale ka soo yeedho Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, hase ahaatee dhawr jeer oo hore ayey dhawaaqyadan oo kale ku cel-celiyeen, iyaga oo digniino u jeediyey dawladda Soomaaliya oo ay u soo jeediyeen inay ka waantawdo waxyaabaha lagu sii kala fogaan karo wadahadallada labada dhinac u bilaabmayna carqaladayn kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here