Maalintii 3-aad oo Internet la’an ay ka jirto Muqdisho

2Magaalada Muqdisho ayaa maalintii 3-aad waxa aan ka shaqeyneynin adeegga Internetka ee laga isticmaalo taleefonada gacanta.

Arintan aayaa daba socota amar ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan markii ay mamnuuceen internetka laga isticmaalo taleefonada.

Waxa ay saameyn ku yeelatay dad u badan dhallinyaro oo aad u isticmaali jiray adeegaas iyo shirkadaha.

Inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaan adeeggan uusan ka shaqeyneynin hadda, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay shirkadda Hormuud oo ku aadan sababta ay u joojisay adeegga Internetka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadlin arrintan, balse waxaa dad badan ay lee yihiin maxaa keenay iyadoo dalka ay ka jirto dowlad in Shabaab ay mamnuucdo adeegga Internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here