Maalin kadib weerarkii Liido Sawirada Xeebta oo qabsaday Twitterka

Gabar yar oo ku damaashaadeysa Xeebta Liido
Gabar yar oo ku damaashaadeysa Xeebta Liido

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waa Xeeb aad u qurux badan lehna Carro Nadiif ah iyo Biyo Buluug ah, waa meel ay shacabka Muqdisho yar iyo weyn usoo nasiino tagaan maalmaha fasaxa sida Jimcaha.

Isbuucii lasoo dhaafay Galabnimadii Khamiista, ayaa dableey aad u hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan weerar naxariis darro ah kusoo qaadeen Maqaayad Ku taal Xeebta oo lagu magacaabo “Liido Sea Food”, waxay rasaas ooda uga qaadeen dhamaan dadkii fadhiyay halkaas oo shacab wada ahaa, haba ugu badnaadeen Caruur iyo Waalidkood halkaas ku qaadanayay nasiino.

Naxariis darrada Al-shabaabka halkaas soo weeraray kuma ekeen Rasaas kaliya ee waxay halkaas ku qarxiyeen Baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo geystay waxyeelada ugu badan.

Weerarkan oo ay ku dhinteen in kabadan 25 shacab ah, ayaa dadkii dhintay waxaa kamid ahaa Hooyo iyo 2deeda caruur, 3 walaalo ah oo isla dhashay, sidoo kale waxaa jiray Arday ka qalin jabisay Jaamacadaha Muqdisho oo halkaas xaflad ku dhiganayay oo ay kooxdu dishay.

“Halkan waa meeshii aan ku dhalanay kuna kornay” sidaa waxaa soo qoray Mukhtaar Nuur oo isagu isku magacaabay Filim sameeye.

“Liido waa calaamada farxada iyo nabada wadanka ka hana qaaday” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa, asigoo sidoo kalena soo raaciyay Sawiro cajiib ah oo laga qaaday Xeebta xili hore, waxaana sawirada ka muuqanaya shacab ku damaashaadaya Xeebta si nabad ah iyo caruur dhoola cadeyneysa.

76Boqolaal sawirro dad ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya ayaa la soo geliyay bogagga internet-ka iyada oo la raaciyay calaamadda ‘tweetlidopictures’ oo micnaheedu yahay soo geliya sawirada Liido – waxaana ay ku muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda wadan doonaan.

Dhawr makhaayado laga cunteeyo iyo hotelo ayaa laga sameeyay meelaha u dhaw xeebta Liido tan iyo markii kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho shan sano ka hor.

Al-Shabaab waxay sheegtay in sababta ay u weerartay makhaayadaha ay tahay in ay yimaadaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka daawo Sawirada Xeebta Liido:

54 55 60 61 68 69 77 90 91 93 98

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here