Maalgashiga Jabuuti oo kordhay kaddib markii waddamo caalami ah ay billaabeen in ay dalkaas u tartamaan

Waddanka Jabuuti ayaa heerka maalgashiga dibedda kor u kacay, waxaana la sheegay in uu gaaray 5.9 bilyan oo dollar.

Maamulka dekedda Djabuti ayaa sheegay in ay wada-hadal kula jiraan waddamo ay ka mid yihiin India, China, Brazil, Russia iyo maalgaliyaal Carbeed.

Jabuuti ayaa leh deked wayn, waxaana hadda dalkan ku yaalla geeska Africa uu helayaa maalgaashi caalami ah, waddamada India, China, Brazil, Russia iyo maalqabeen ka socda waddamada carabta ayaa maalgashi ka sameesana dekedda Dooraale

Maamulka dekedda Jabuuti Abuubar Cumar Haadi ayaa wareysi lala leeyahay wuxuu ka dhawaajiyay in maalgashiga ka imaanaya waddamada dunidda uu aad u kordhay, waxaana uu gaarayaa ayuu lee yahay $5.9 billion,

Haadi ayaa hadalkan ka sheegay shir looga hadlaayay maalgashiga iyo horrumarinta dhaqaalaha waddamada gobalka oo ka dhacay London.

Wuxuu intaas ku daray in 57% dhaqaalaha ka soo gala Jabuuti waddamada shisheeye in uu aad u kordhay.

Haadi ayaa tilmaamay in marka la gaaro 2035-da Jabuuti ay noqon doonto dalka dhaqaalaha ugu badan ee geeska Africa.

Djibouti, waxa ay martigalisay ku dhawaad 2,500 oo ciidamo Millatari oo Maraykan ah kuwaasoo halkaas saldhigyo ku leh.

Dhaqaalaha Jabuuti ayaa kor u kacay 5% intii u dhexeysay 2006 illaa 2012,  waxaana sannadihii 2001 illaa 2005-tii marka loo barbardhigo uu ahaa 2.5% sidaas waxaa shirka London ka sheegay maamulka Bankiga dhexe ee Jabuuti ee Axmed Cismaan Cali.

Haadi ayaa sheegay in dalka uu hadda ka fikiraayo siddii u abuuri lahaa lix dekedood oo wax laga dhoofiyo

Waxaa la ballaarin doonaa dekedda Dooraale, waxaa kaloo hadda socda dhismaha deked cusub oo laga dhisaayo deegankja Tadjuura waxaana dhisaya waddamada Sacuudiga iyo Kuwait.

Bishii la soo dhaafay ayaa deked kale laga dhisay deeganka Ghoubet, waxaana dekedaas dhisaya dalka Shiinaha.

Waddamada Shiinaha, Brazil iyo Russia ayaa billaabay in ay maalgashi ka sameestaan waddanka Jabuuti, waxaana halkaas ay ka doonayaan in ka faa’ideestaan shidaalka laga keeno koonfurta Sudan oo halkaas la soo mariyo.

Ethiopia iyo Koonfurta Sudan ayaa ka faa’ideesta dekedaha dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here