Maal qabeyn Australian ah oo sameysanayo markabka Titanic II

Mid ka mid ah maalqabeenada ugu hodonsan dalka Australia Clive Palmer, ayaa iclaamiyey inuu wado qorshe uu ku sameysanayo markabki Titanic isaga oo kala kaashanaya shirkad laga leeyahay dalka China.

Titanic ayaa quusay mudo iminka laga joogo 100 sano, iyadoo ay ku dhinteen 1,500 oo ruux xilli uu kusii jeeday dalka Mareykanka, waxaana maalqabeynkan uu rabaa inuu u dhiso markabka sidi uu ahaa naqshadiisii qarnigi 20-aaad.

Maalqabeynkan ka shaqeeya howlaha xagga macdanta ayaa u sheegay warbaahinta dalka Australia in dhismaha markabka uu bilaaban doono sanadka danbe, sidoo kalana uudiyaar noqon doono sanadka 2016.

Qorshahiisa ayaa ah in markabka uu aad ugu ekeeysiiyo Titanic, marka laga hadlayo xagga naqshada iyo balaca, laakin wuxuu sheegay in uu ka casrisanaan doono markabaan oo loogu magac dari doono Titanic II ama Titanic 2.

Mr Palmer ayaa sheegay in haatan ay wada gaareen shirkada CSC Jinling Shipyard oo ah shirad ay leedahay dowlada China, heshiis is fahan ah si loo bilaabo dhismaha markabka.

Ku dhawaaqistan ayaa timid todobaadyo kadib marki la xusay bur burkii markabki Titanic, kaasi oo ahaa markabki ugu weynaa ee kuwa raaxada ah ee caalamka soo mara.

Titanic ayaa ku quusay barweynta Atlantic marki uu hardiyey jamal baraf ah, xiligaasi wuxuu kasoo shareecday xeebta magaalada Southampton waxaana uu kusii jeeday magaalada New York.

Markabka Titanic wuxuu quusay 15-ki April sanadki 1912.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.