Ma Taqaanna Hannaanka halista ah ee Hegelian Dialectic iyo Sida uu Soomaaliya uga Hirgalay?

Wariye Maxamed Xaaji
Wariye Maxamed Xaaji

Waa maxay Hegelian Dialectic? Waxaa fikraddan hindisay filasuuf Jarman ahaa oo la oran jiray Georg Wilhelm Friedrich Hegel oo qarnigii 19-aad sheegay in hanaankan loo adeegsan karo in lagu ‘xalliyo’ dhibaatooyinka iyadoo la heshiisiinayo aragtiyada iyo caqiidooyinka is diidan si loo dhaliyo hanaan cusub oo lagu wada jiri karo.

Hadaba waloow ay dadka qaarkii ku doodaan in Hegel aanu hindisahan u keenin qaabka marin-habaabiska ah ee maanta loo howlgeliyo iyadoo si ku talo gal ah loo saamaynayo maskaxda qofka iyo go’aan qaadashadiisa misna dad ayaa qaba inay sidaa ahayd waana 3-dan tillaabo; Dhibaato, fal celin iyo xalka oo laguu keenayo, thesis (Problem) vs antithesis (Reaction of the problem) & Synthesis (Controlled Solution).

Hadii aan sii qodo, hannaanka Hegelianism-ku wuxuu sheegayaa in maskaxda insaanku aysan waxba fahmi Karin ilaa sheekada loogu jilciyo 2 dhinac oo iska soo horjeeda sida; xumaan / Samaan, Bidix / Midig, Shuuci / Hantiwadaag IWM (Annaga Amisom / Al Shabaab).
Kabasoo qaad, marka ay dadku ka hadlayaan laba xisbi siyaasadeed sida Labor (bidix) iyo Liberal (midig) waxay dadka maskaxdooda waxaa ku qufulan BIDIXNIMADA ama MIDIGNIMADA nimanka hadlaya waana qorshihii uu dejiyay Hegel ee thesisvs antithesis & Synthesis ee ay ku dhisan tahay aragtida Hegelian Dialectic.

Tusaale ahaan marka ay doodayaan labada xisbi ee Jamhuuriga (midig) iyo Dimoqraadiga (bidix) dadku waxay ku mashquulaan farqiga u dhexeeya labada xisbi dhanka saldhigooda siyaasadeed (Political Platform), balse wax badan lagama soo qaado, lagamana hadlo waxa ay labada xisbi ka hadlayaan inta ay dooddu socoto.

Tusaale ahaan xisbigii Labor-ka Britain waxyaabaha uu ku dhaqaaqay mudadii uu xilka hayay waxay ahaayeen kuwa muujinaya MUXAAFIDNIMO sidaa darteed wuu ka baxay BIDIXNIMADII lagu doortay, taasi micne ayay samaynaysaa sax! Iska jir marka yaan lagugu gaadin bidix iyo midig waa wax warqadda uun lagu qoray ee ma jiro derbi aan la jebin karin oo u dhexeeya (Tusaale Obama imisa ayuu Drone ku laayay).

FG: Anaga Soomaali hadaan nahay booskaa waxaa noogu jira QABYAALADDA oo haddii uu war wanaagsan sheegayo nin aad ku tirinayso oday-sanameedyada kale, warkiisa lama dhadhansado illeen waa reer Qoone ama reer Xeego marka warkiisu qabasho malaha (Anaga (Thesis) vs Iyaga (Antithesis) = Synthesis (In la is laayo, deeto la qaybsamo oo col la ahaado).
Haddii lasii fasiro Hegelian Dialectic wuxuu ka kooban yahay 3 marxaladood oo xiriir ah oo 3-daba hal meel laga hindiso, laga hirgeliyo, lagana hanto waana Problem (Dhibkii oo macmal ah)  – Reaction (Falcelintii aad samaysay) – Solution (Xalkii oo laguu hayo).

Nasiibdarro, shucuubta caalamka oo idil waxay muddo dheer dhibanayaal u ahaayeen, welina u yihiin hannaankan Hegelian Dialectic oo ay adeegsadaan dowladaha iyo hay’aadka waawayn ee caalamka iyadoo la isku raacsan yahay in ku dhowaad dhacdo kasta oo dunida loosoo joogay waqtiyadan casriga ah sida dagaallada waawayn qaabkan loo adeegsado kicintooda iyadoo la marayo geedi-socodkan.

1 – Dhibaato  – abuur xasarad ama ka faa’iidayso mid horay u jirtay si loo helo
2 – Falcelin weliba falcelintu waa inay tahay midda ay rabaan qollada sheekadan ka dambaysa (desired reaction) kadib waxaa loo gudbayaa marxaladda
3- oo ah Xalkaoo ah wax laguugu sawirayo mid cusub oo hadda dhashay, balse nasiib darro horay loosii dejiyay dano la ogyahayna lagu gaarayo, balse adiga kaa dahsoon.
Tusaale cajiib ah waxaa noqon kara qaraxyadii 9/11.
Oo ahaa fikrad ay sii degeen qolooyinka loo yaqaanno Maxaafidiinta Cusub ee Neocons ama (neo-conservatives ) oo lagu xanto in si loo kordhiyo awoodooda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee sharikaadka waawayn ay caalamka ku leeyihiin loo sameeyo halku dheg cusub sida La Dagaallanka Argagixisada iyagoo si ay taasi dhib la’aan u hirgasho isla gartay in la abuuro waqcad xanuun badan oo ay ugu magac dareen “new Pearl Harbour”. Si aysan shacbigu uga soo horjeesan duullaamada la qaadayo.

DHANKA DALKEENNA SOOMAALIYA

Dalkeenna Somalia wuxuu ka mid yahay meelaha ugu haboon caalamka ee lagu dabokho aragtidan guunka ah ee Hegelian Dialectic taasoo soo taxnayd tan iyo markii ay Soomaalidu qoor qooraysatay hannaanka dowladadeed ee ay sida khaldan u qaateen iskuna kharribeen.
Waxaana iyada oo khalad-fahamkaa naga qabsaday dhanka siyaasadda (qabyaalad siyaasad laga dhigay iyo kursigii reer hebel) laga faa’iidaysanayo maalinba nala geliyaa cajallad qura ee aan xitaa dab iyo beteri nooga baahnayn marka aan ku shaqaynayno ee QABYAALADDA.

Tusaale ahaan xilligii xornimo-beenaadka la qaatay nasiib xumo dalku ma yeelanin asaas siyaasadeed oo rukumo adag u dhiga siyaasadda dalka ee mustaqbalka, ma dhismin axsaab leh aragti siyaasadeed oo maxalli ah, mid caalami ahna haba sheegin, waxaana jahli, qabyaalad iyo faqri iskaashanayaa ay naga dhaadhiciyeen in asxaab qabyaaladeed la furto.
Caadiyan qabyaaladi waa musuq iyo cadaalad darree, waxaa intaa adeegsaday oo ka faa’iidaystay milliterigii oo shaydaameeyay (demonizing strategy) kuwii iyaga ka horreeyay oo ay magacyo u bixiyeen.
FG: Ha illaawin hanaankii aan kasoo sheekaynay. Problem (dowladihii rayidka). Controlled reaction (shacabkii oo leh yaa naga qabta). Solution (Afgembi millateri oo dabcan ahaa wax muddo sii karsamayay)

Kadib militaarkii laftiisu waa kii ka liqi waayay jabhadihii qabyaaladda lagu dhisay ee aan aragtida qaran lahayn, balse markan waxay dhibaatadu gashay gacmo 3-aad oo dalal qalaad  oo iskugu jira awoodihii aduunka, gumaysigii iyo dalalka deriska ah ayaa si firfircoon cod ugu yeeshay aayeheenna waxayna dalalkii aan umuureheenna kala tashannay noo dejiyeen 3-dii tillaabo iyagoo raacaya isla hanaanka Hegelian Dialects.

1 – Problem (Xukunkii millateriga ahaa),
2 – Reaction (Jabhado beer-dulucsi qabyaalad lagu istaaray oo qoryo iska qaatay iyagoo bilaa qorshe ah),
3 – Solution: (Dowladii oo dhacda iyo Soomaaloo googo’da isna laysa). Dabcan waa sidii ay rabeen inta aan ka ahayn Soomaalida siran.

Kadib burburkii waanagii noqonnay ISKU MAQAN LAGU MAQAN YAHAY, waxaana mudadaa dalka ka shaqaysanayay qaaruumo badan, mid sun halis ah badda noogu aasay, NGO’s dhaqan iyo dhur beel nagu riday, dowlado hub iskugu kaaya dhiibayay, Carab ubadkeenna diin ahaan u barayay inay umadooda laayaan si ay ‘’Jannada’’ orod ugu galaan IWM.
Hal mid haddii aan soo qaato hogaamiye kooxeedyadii ayuu mid hub u dhiibay si ay u dhigtaan isbaaro jideed iyo mid siyaasadeed intaba (Problem), deeto waxaa muddo kadib karaahsaday dadkii (Reaction), deeto xalkii (Solution) baa dhowr dhinac waxaa ka keenay dadkii NAGA SHAQAYNAYAY intii aan anagu ISKA SHAQAYNAYNAY.

Midi waa dowlad ay sidii bakoorad ugu tukubayaan umaddo kale oo aan xitaa loo ogolayn in loo dhiso ciidamo xoog leh oo rigli ah (Standing army), si ay amaanka iyo xukunka dalka u hanato, kuwana waxay noo keeneen kuwo ay afkaaro khaldan maskaxda uga dheqeen oo lagu yiri qori iyo bamboo qaata oo laaya wixii istaaga jidka ‘Janno’ ee aad ku joogtaan, waxaa intaa dheer maamul-goboleed wax lagu sheegay lkn ah maamul-qabyaaladeed (Tribal Federalism) umadda lagusii kala cayrinayo isla markaana sahlaya in si saaxi ah loo dhigto casharrada qaabka aqoon-dirsadka ah iyo tooska ahba looga raacdo Adis Ababa iyo Nairobi.

Maanta oo aan taaganahay horraanta 2014, kadib 30 iyo dhowr sano oo midnimo la’aan ah, dalkii waxaa isku haysta dowlad aan lahayn wax qaab ah oo marka laga soo tago maamul-xumadeeda iyo musuqa ka dhex oogan ay u dheer tahay lugooyo kas ah (systematic hindrance) iyo turaanturrooyin ay kala kulmayso wax lagu sheego Beesha Caalamka oo leh ‘’Waanu ku aqoonsannahay waxes kuu qaban mayno’’, dhinac kale waxaa taagan Al Shabaab oo dadkii is nacsiiyay kadib markii ay ka baaqsadeen inay u naxariistaan umadda ay ku af gobaadsanayaan waan didaacaynaa oo ay diinta ugu dhaqaan sida ay tahay, oo difaac haba joogtee ka daayaan diifta ay badeen iyo in la qabsado oo ay sahlayaan (Problem).

Waxay taasi keentay in dadkii ay qaati ka istaagaan Al Shabaab iyo xitaa ciidamadii dowladda qaar badan oo ka mid ah (Mass reaction), taasoo sahashay in dalalkii derisku uu midba maalin koofiyadaha noosoo bedesho (Controlled Solution) jeer kuwii horay usii joogayna ay u muuqdaan NGO cusub oo ka faa’iidaysanaya fashilka nagu dhacay (war profiteers).

“Ma doonayo inaan ka adkaanno Al-Shabaab. Wadanka ayaanba ku fidin lahaa si aan dalka usii joogo,” sidaa waxaa laga soo xigtay askari u dhashay dalka Burundi oo sheegay inuu ALLE ka baryayo inaan Somalia nabad iyo nolol helin ugu yaraan inta uu uga dhamaanayo guri qurux badan oo uu dalkiisa uga dhisanayo mushaharkiisa oo ah US$1200 iyo gunno dheeraad ah oo gaaraysa US$500, halka askariga Soomaaliga ihi uusan haysanin xitaa US$50 doollar oo joogto ah.

Halkan ka akhri mareegta warkaasi http://www.the-star.co.ke/news/article-158458/amisom-must-leave-somalia-mission-creep-sets

Haatan waxay sheekadu u jilan tahay sidatan Al Shabaab (Problem), Reaction (Shacabkii oo la gaarsiiyay heer ay yiraahdaan Yuhuudna halla keeno), Solution (In sidii la doono lagaa yeelo ama laguugu taliyo si aysan dantaadu ku jirin).

Balse sida saxda ihi waxay ahayd in Soomaalida fursad loo siiyo inay iyagu hindisaan xal midaysan oo ay dalkooda ku hanan karaan iskagana dhicin karaan qowlaysatada iyo fursad-xun-gaadka dalka ka hana qaaday mudadii nidaam la’aanta iyo in lagu dhiirigeliyo la imaanshada xal dadka isu meceeyn kara isuna soo dhowayn kara, ee maahayn in calalo la tolay oo cinwaan qabiil leh ay cawaba qolo xusto oo ay ku bururto taasoo dhali doonta ciidamo BEELEEDYO TUUTAYSAN oo isku duula dalka iyo dadkana jug lagama waaqsadaan ah oo hor leh u gaysta.

Tusaale kuwa ku doodaya Soomaalidu hakala googo’do waxay umadda u sheegayaan in MIDNIMO wax lagu waayay, halkee dunida lagu arkay meel midnimo inta wax lagu waayay TAFARAARUQ looga cayshay? Sidaa maahane waxay kaa qarinayaan in CADAALAD DARRO wax lagu waayay, welina cadaaladi kama jirto meelaha aanu kala sheeg sheeganay mana ka iman doonto abid, waayo ’Hal booli ihi nirig xalaala ma dhasho’’ oo qaybaaladi waa KANSAR oo kale Kansarna gooyn, gubis iyo geeri mooyee ged kale loogama gun gaaro.
Waxaa intaa dheer haddii umadda la qaybiyo waxaa meesha ka baxaysa QUWADEEDII, waxaana ku xigaya SHARAFTEEDII iyo MADAX BANAANIDEEDII markaas kadibna waan naqaannaa waxa ku xiga.

Markale xusuusnoow dadka waxaa la siinayaa shaqo-guri ama LAYLI ku salaysan thesis vs antithesis lkn looma ogolaSynthesis ka tarjumaya inay wax u xallistaan qaab waafaqsan ama ka tarjumaya danohooda, tusaale cabqarinimo uma baahna inaan wax wanaagsani ka iman doonin ciidamo dalka laga soo buuxiyo, iyadoo aanu jirin waqti cayiman oo ay ku baxayaan, (hadda kuwo hor leh ayaa lasoo wadaa maadaama Amisom la aamini waayay).

Sidoo kale xal kuma jiro maamul-goboleedyo uu ninba qol uga dhawaaqayo oo hal degaan wada sheeganaya, waayo waan naqaannaa najiitada laga guran doono marka magac qabiil loogu yeero dadka hal dheg uun wax ka maqla wuxuna qabyaalad yihiin.

Gebagebadii

Hadaba xalka ILAAH baa og, balse la soco in noloshu aanay ahayn xaglaha lagu siiyay ee aad shaqada guri u haysato sida Amisom vs Al Shabaab, Qabiilkaaga vs Qabiilkooda, Gobol hebel vs Gobol Hebel, Siyaasi reer hebel ah oo danaha beesheenna aasaya / mid ducaysan oo beesheenna u doodaya, Dalkaaga vs Kuwa Deriska ah, ee la soco inuu jiro dululaati (Space) aan dhamaad lahayn oo intaa ka baxsan kana ballaaran oo aad ku fikiri kartid.

Tusaale, haddii aad Al Shabaab neceb tahay khasab kuguma aha inaad dowladaha shisheeye ama Amisom si indha la’aan ah u taageerto, haddii aad dowladda mucaaradsan tahayna khasab kuguma aha inaad habeenkii hoobiye xaafadaha kasoo dhex tuurto oo dad masaakiin ah oo hoyan lahaa hurdada u diido, ama aad Al Shabaab ku biirto, sidoo kale qofkii dowladda mucaarada micnihiisu maaha inuu Al Shabaab lajiro, ama in kii yiraahda Al Shabaab waxaas bay ku fiican yihiin inuu dowlada lid ku yahay, balse waxaa jira kumanaan iyo malaayiin hab oo kale oo aad u fikiri karto oo ka baxsan qafiska yar ee lagugu ooday (Ogoow in badan waxaa nalookaga faa’iidaystaa dadkeenna oo si fudud iskaga noqda kuwo caadifi ah (emosional), ogoowna haddii aad ka shaqaysiiso maskaxdaada adigoo xaalkaagu degan yahay waxaad soo saari kartaa go’aan gobeeya Soomaalida is gumaysay ee la gumeeyay gebigood….Forza SOMALIA..!

WQ/: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
 Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com
 Gothenburg, Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here