Ma ogtahay Mareykanka wadadi ay u mareen dilki Bilal Al Berjawi ?

BILAL AL-BERJAWI waxa uu ahaa nin British balse aanan saaxib la aheyn dowlada Britain, wuxuu asal ahaan kasoo jeeday dalka Lebanan isaga oo ku koray Ingiriiska.

Todobaadki hore ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku dilay diyaarad kuwa duulye la,aanta ah (Drone) kadib marki ay sadex gantaal la haleen gaari uu la socday oo xiligaasi marayey agagaarka Isbitaalka Al Xayaat.

Hadaba dhintay Bilal Al Berjawi laakin su,aasha taagani ayaa ah sidee lagu dilay sideese lagu ogaaday goobta uu kaga suganyahay Soomaaliya?

Maqaal lagu daabacay waregeyska The Economist ayaa lagu sheegay in sirdoonka Ingiriiska ay ku raadiyeen halka uu joogo telfoon uu u diray xaaskiisa oo joogta magaalada London kadib marki uu maqlay in ay dhashay.

Xaaskiisa oo aanan la magacaabin ayaa safar ku tagtay Soomaaliya si ay u booqato Bilal oo markaas dhaawac ahaa kuna dhaawacmay duqeyn ay Mareykanku ugu geysteen magaalada Kismaayo sanadki hore, laakin marki ay ku laabatay magaalada London sadex maalin kadib way umushay, kadibna isaga ooo ka faa,ideysanaya fursadaas ayuu wacay si uu u ogaado xaaladeeda.

Sida ay jariradu leedahay telfoonkaas ayey ku raadiyeen mqaabaraadka iyaga oo la kaashanaya hey’ada sirdoonka Mareykanka, waxaana marki danbe ay ku duqeeyeen meel u dhaw jekboyn ay Al Shabab ku leeyihiin duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho ee deegaanada loo barakacay.

Al Shabab oo ka hadlay dilka sarkaalkan ayaa wacad ku maray in ay u aar gudi doonaan, iyaga oo uga tacsiyeyey dhamaan mujaahidiinta caalamiga ah.

Bilal Al Berjawi ayaa ku koray magaalada London, waxa uu sanadki 2006 u aaday dalka Afghanistan si uu u jihaado ugana bar bar dagaalamo Talipan, kadibna waxa uu uga sii gudbay dalka Somalia.

Sanadihi lasoo dhaafay waxa ayaa uu Al Qacida u qaabilsanaa dhanka saadka iyo fududeynta ee dalka Soomaliya iyo isku xirka Al Qacida iyo Al Shabab, waxa sidoo kale uu iska kansalay baasaboorka Britain.

Waa sarkaalkii sadexaad oo ka tirsan Al Qacida oo Mareykanku ku dilaan dalka Soomaaliya, horay waxay u dileen Adan Ceyrow iyo Salax Nabhaan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.