Ma laga yaabaa Giggs inuu badalo Moyes ?

Ma laga yaabaa Giggs inuu badalo Moyes ?
Ma laga yaabaa Giggs inuu badalo Moyes ?

Jaraa’idka ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaca ah qoray in laga yaaabo rug cadaaga Manchester United Ryan Giggs in uu badeli doono tababbarraha aan mustaqbalka fiican lahayn ee David Moyes.

Ilo ku dhowdhow Giggs ayaa laga soo xigtay iyagoo leh cayaaryahanka 40-jirka waxaa loo soo jeediyay in uu noqdo macalinka xiga ee kooxda, balse arrintaa waa uu ka gaabsaday.

Arrintan ayaa soo baxday markii Axaddii dhaweyd Man Utd looga adkaaday 3 iyo 0 cayaar ay la yeelatay kooxda Liverpool.

Waxaa la sugaaba waa lugta labaad ee horyaalka Champions League oo ay la lee yihiin caawa Olympiakos, in kastoo cauaartii horre laga soo adkaaday.

Man Utd waxaa looga soo adkaaday 2 iyo 0, lama oga caawa in loogu dari doono ama in ay u soo bixi doonto wareega rubuc dhamaadka horyaalka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here