Ma ku soo dhisi karaa xukuumad RW waqtiga uu heesto?

abdiSidda intiina badan aad ula socotaan akhristayaasha ku taxan bogga Mindim, waxaa maalintii shaley Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ay u codeeyeeb in 10 maalin loo kordhiyo xilliga raysul wasaaraha Soomaaliya uu ku soo magacaabi lahaa golihiisa wasiirrada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baarlamaanka u akhriyay warqad codsi ah oo uu raysul wasaaraha ku dalbanayay waqti kordhinta.

142 xildhibaan ayaa u codeysay codsiga raysul wasaaraha, halka saddex mudane ay ka aamustay kulankii shaley.

Isku soo duub ,Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Haddaba ma is lee dahay waqtigaas loogu daray ra’iisal wasaaraha wuu ku soo dhisi karaa xukuumad tayo badan?

Maxaa keenay in waqtigaas loogu daro?

Ma is lee dahay ra’iisla wasaaraha waxaa uu wajahayaan caqabad?

Ra’iisal wasaaraha ma u madax banaan yahay soo magacaabista xukuumdiisa mise weli waxaa lagu hayaa gacan togaaleen kaga imaaneysa madaxweyna?

Ra’yigaaga ka soo dhiibo su’aalan adigoo aragtidaada soo asluubeenaya?

Mahadsanid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here