Wargeyska Madrid kasoo baxa ee AS aya daabacay in Real Madrid ay kooxda Liverpool ka diiday dalab €50m ahaa oo ay kasoo gudbiyeen xidiga da’da yar Marco Assensio kaasoo xili ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya Real Madrid.
Marco Asensio ayaa dhowr ciyaarood kusoo bilaawday safaka 1-aad ee MADRID xili ciyaareedkan, waxaana uu si aad ah usoo jiitay macalin Zidane kaasoo dhowr mar ka door biday xidigo waaweyn sida James iyo Isco.
Real oo u aragta Assensio raasumaal maguuraan ah ayaa marnaba ogolaan doonin ineey iibiso.
Assensio ayaa lagu xasuustaa Goolkii quruxda badnaa ee uu isbuucaan ka dhaliyay BAYERN Munich.