Ma dhabaa in Xabsiyadda Puntland ay buux dhaafiyeen Siyaasiyiin iyo Nabadoono FALLO

Ma dhabaa in Xabsiyadda Puntland ay buux dhaafiyeen Siyaasiyiin iyo Nabadoono FALLO

Mudooyinkaani waxaa sii kordhaayay Colaadaha u dhexeeya Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo isagu waqtiga xukuumadiisu dhamaatay iyo Siyaasiyiinta u hanqal taageysa ka qeyb-qaadashada Doorashadda Puntland hayeeshe waxaa isa soo taraaya Colaado u dhexeeya Xukuumadda Faroole iyo Qabaa’ilo laga xir-xiray Nabadoono iyo siyaasiyiin oo iminka ku kala xiran Xabsiyadda kala duwan ee Maamulka qoraxdiisa sii dhaceyso ee C/raxmaan Faroole

Nabadoonada iminka ku xeran Xabsiyadda iyo Siyaasiyiinta ayaa iyagu ku jiray Ololo ku aadan dhanka Doorashooyinka hayeeshe Maamulka iminka ka amriya Puntland ayaa si sharci daro ah afka u qabtay Nabadoonadaasi iyo Siyaasiyiintaasi buux-dhaafiyay xabsiyadda Puntland

22.12.2012 Habeennimo ay soo galeysay Axad waxaa jeelka loo taxaabay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo xiligaasi ku sugnaa Magaaladda Garoowe gaar ahaan Hotelka ay ku sugnaayen Nabadoono iyagu ka arinsanaayay xaaladda Cakiran ee iminka ay ku jirto Puntland hayeeshe waxaa Hotelka gudaha usoo galay Ciidamo iyagu ka socday dhanka Taliyaha amaanka Puntland oo watay sida ay wararku sheegayan laba gaari nooca ciidamada ah, Hayeeshe Nabadoonka ayaa loo dhaadhiciyay dhanka Jeelka isaga oo aan garaneynin sababaha keentay in Hotelka lagala baxay

Ciidamada Daacada u ah C/raxmaan Faroole ayaa Sidoo kale Saddex nabadoon oo kamid ahaa nabadoonadii magaalada Bosaso dhawaan sidaan oo kale uga kaxaytsey Hoteelkoodi isla markaana aan la garanayn halka lala aadey.

Saddexdii kamidka ahayd nabadoonadii  lagala baxay Hotelka ayaa lagu kala magacaaba:- Nabadoon Maxamed Shoobe Afcase, Caaqil Sahal Cabdislaaan Yuusuf Faahiye, Caaqil Maxamuud Maxamed Shirwac, oo dib loogu soo celiyey Hoteelkoodi, waxay sheegeen in sidii hore oo kala wax laga qorey Balse amar lagu siiyey in ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland isaga baxaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Dhanka kale xariga Nabadoonada waxaa bar-bar socday Xarig Sharci daro ah oo loo geestay Cabdikaafi Xassan Maxamed oo isaguna lagu xiray Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxa uuna noqonaaya Xariga Cabdikaafi Xassan Maxamed, kii labaad muddo Todobaad Gudihiisa, xariga Sharci darada ah ee dhawaan loo geestay Cabdikaafi ayaa ah mid ka duwan xarigii koowad ee horay loogu geestay waxa ayna ciidamo daacad u ah Faroole oo hubeysan ay weerareen gaari uu la socdey Cabdikaafi waxaana Goobtaasi ka dhacday Israsaaseyn Dhowr daqiiqo qaadatay, Rasaas kadib waxaa Cabdikaafi loo geystay Jirdil kadibna waxaa lagu riday Xabsiga isaga oo aan garaneynin sababaha xariga iyo Jirdilka isla socda loogu geestay Cabdikaafi,waxaana xusid mudan in Cabdikaafi Xassan uu yahay nin Indhoole ah o ka tegey dalka Ingriiska, waxaa uu horey u ahaan jirey Agaasimaha mashaariicda Hay’adda daryeelka Bulshada ee Puntland taas oo wareegto looga qaadey isaga oo xabsiga ugu jira Puntland.

Ehelada Maxbuus Cabdikaafi ayaa iyagu ah kuwa aaminsan in Cabdikaafi oo ah Nin indhoole ah lagu xiray xarig aan ahayn mid ay xalaaleysay Maxkamadda dambiyadda Puntland Hayeeshe waxa ay Ehelkiisa sheegen in lagu xiray wado qilaafsan Sharciga u degsan Maamulka Faroole oo iminka u muuqda mid gabalkiisa sii dhacaaya kadib Kacdoono lagu doonaayo in jilbaha dhulka loogu dhigo maamulkaasi Faroole oo siyaabo kala duwan uga bilaabanaaya  gabi ahaan Deeganada uu ka amriyo C/raxmaan Faroole   

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi oo ku magac dheer (Qarjab) kana mid ah Ragga u shaqeeya C/raxmaan Faroole ayaa isagu wacad ku maray in Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulka uu Hoggaaminaayo C/raxmaan Faroole uu ula dhaqmi doono sida loola dhaqmo Jirrida Isbaarooyinka Sharci darradda ah ee wadooyinka yaala. Sida laga soo xigtay (Qarjab)

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo adeegsanaaya awoodiisa ayaa kabiya diiday in Madaxtooyada ay soo gaaran Nabadoono iyo Siyaasiyiin iyagu doonaayo in Doorasho la qabto waxa uuna Ciidamadiisa gaarka ah ku amray in aan lasoo gudbin wax sheegta Nabadoon waxa uuna Ficilka Faroole u muuqda mid uu ku doonaayo in Puntland uu ka dhigo Sida Magaaladda Muqdisho ay ahaan jirtay Muddo ay kasoo wareegatay ku dhawaad 6-bilood taasoo ah, Bur-bur iyo barakicin ay Bulshadda Puntland ku kala irdowdo, Faroole waxa uu isaguna doonaaya in Bulsho Qaran uu ku bur-buriyo in Sannad loogu daro xilkiisa Awgeed Hayeeshe waxaa iminka Deegaanada hoostaga Puntland ka socda Shirar lagu doonaayo in lagu maja-xaabiyo Jiritaanka Maamulka Faroole oo iminka saantiisa sii tir-tirmeyso

Gabagabadii iyo gunaanadkii Madaxweyne Faroole waxa uu iminka u diyaar garoobaaya in Dhulka la dhigo Daaraha ganacsiga iyo kuwa ay kunool yihiin Bulshadda kunool Deeganada uu isaga kataliyo, waxa uuna si gaar ah u hubeynaaya Bahda uu isaga kasoo jeedo Faroole, kuwaasoo garab-taagan Jiritaanka Faroole.

waxa ay Su’aashu tahay imisa ayaa naf iyo maal’ba kuwaayay Foodooyinka iyo Qaraxyada iswatay oo dhawaan ka dhacaayay Deeganada uu Faroole ka amriyo ?? imisa ayaa lagu ihaaneeyay?? Imisa dilaa oo mudan in la maxkamadeeyo?? Waa intee mooryaanta taageersan in Faroole uu dhulka dhigo Sumcadda Puntland kuwaasoo u baahan dhaqan celin ?? Bulshada Reer Puntland maka tashan doonaan Xaaladda cakiran ee alow-sahalka ah oo uu hor boodaayo Faroole ??.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit, Magaalada Jabouti ,Email :- wararka@live.se

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here