Ma dhab baa in Ra’iisul Wasaare Cabdiwali uu hey’adaha Turkiga ku amray in ay u wareegtaan Puntland?

Siyaasiga hogaamiya Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed C/laahi Sheekh Xasan ayaa ku eedeeyey Ra’isulwasaaraha Xukumada KMG Soomaaliya inuu ku amray hey’adaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho in ay u wareegtaan gobolada Puntland.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho, ayuu C/laahi Sheekh Xasan ku sheegay inuu hayo xog rasmi ah oo sheegeysa inuu amar ku bixiyey Dr. C/wali in Turkiga ay shaqadiisa ugu badan ku leexato Puntland oo uu isagu kasoo jeedo sida uu hadalka u dhigay.

C/laahi Sheekh Xasan tilmaamay in Ra’isulwasaaraha uu ku shaqeeyo rabitaanka madaxweynaha maamul goboleedka Puntland taasina aysan aheyn wax la qaadan karo sida u yiri.

“Ra’isulwasaarah waxaad moodaa inuu hadalka Faroole ku shaqeeyo oo wuxuu rabo ku raaco, waa inuu iska cadeysto waxa uu yahay, waxaan heynaa cadeymo sheegaya in uu ku amray hey’adaha gargaarka ee Turkiga in ay u guuraan Puntland isaga sidoo kalana raashin dad barakac ah oo ku sugan Muqdisho loogu tala galay u weeciyey Puntland,”  ayuu yiri C/laahi Sheekh Xasan.

Ma jirto war ka madax banaan C/laahi Sheekh Xasan oo cadeynaya eedeymaha uu usoo jeediyey Ra’isulwasaaraha, sidoo kalana wali ma jiro war beeninaya ama xaqiijinaya arintaasi oo kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

3 COMMENTS

  1. Abdulaahi shiikh ma oga miyaa wax qaxooti reer konfureed ah oo magaalooyinka Puntland state daadsan , miyaanan u baahnayn deeq?. tan labaad Xamar kaliya wadanku maahan ,

  2. WARUN ARINKA C/LAHI SHEKH KADHAWJIYAY WAXAN DALIL U AH WALIDA FAROLE
    LACGBAN SAMEYSANYA BOWE TFG KALIGED GO AAN MAQADAN KARTO IWM MARKA HOGANKA UMADA SOMALIYED NIFAQ UMA BAAHNA IYO FAAN CIDLA AH

  3. ASCW, Waxaan filayaa qof sheeganaya inuu yahay siyaasi hadana hadal aan sal iyo raad lahayn ka sheegaya siyaasi hadana masuul u ah oo asaga iyo shacabkaba masuuliyad u qaaday.

    Mida kale Cabdulahi sheikh, ma ogtahay in dhaqaalaha dalka, dib u dhiska, deeqaha aduunka aysan ugu talo galin Muqdisho oo kaliya oo aysan somalia ahayn muqdisho. hadii madaxda dowladu ay garato in hada ay tahay in dhaqaalaha si sinaan ah loo qaybiyo waa wax la garan karo. hadaba Turkey waxay bixinaysay almost one year Muqdishu ku shubmaysay, Somali oo dhana way eeganaysay, Turkey waxay shirkii London ka dhacay ka cadaysay in ay ku bixisay Somalia dhaqaale dhan 400 million Dollar in u dhiganta, hadaba Siyaasi caqli ka shaqaysii ee bal dib u eeg xagee gashay lacagtaas, Muqdisho, xitaa masoo gaarin balcad. hadaba iimaanka ha iska qaadine waxa laguugu talo galay dadkaaga la qaybso. Mida kale Puntland inay diyaar u tahay in wax lala qaybsado waxaa kuu cadaynaya madaxwaynahooda wuxuu cadeeyay shidaalka lagasoo saro Puntland inay Somali oo dhan leedahay, sidaa hadaba u fakar. khayr allaha ku siiyee

Comments are closed.