Sida uu daabacay wargeyska Mirror weerarka garabka uga ciyaara xulka Masar iyo kooxda Roma Mohamed Salah ayaa diyaarad qaas ah u qaatay UK si uu ugu biiro kooxda Liverpool oo mudo ceersaneysay.
Mirror sidoo kale wuxuu daabacay in Salah uu Liverpool ugu biirayo aduun dhan £39million.
Roma iyo Liverpool ayaa ku heshiiyay in Salah uu £33.5m ugu wareego kooxda Klopp iyadoo gadaal laga raacin doono £5.5m hadii uu Salah kasoo dhalaalo shaqada laga rabo
Salah ayaa noqon doono ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ay Liverpool lasoo wareegtay xagaagan, wuxuuna qeyb ka noqon doonaa qorshaha dib u dhiska kooxda ee Klopp kaasoo doonaya in xagaaga dambe u tartamo Koobabka waa weyn.