M.C.Kaliil oo ka warbixiyay Ciidamada doowlada ee gaaray Kismaayo Dhageyso

Ciidamo katirsan kuwa doowlada Soomaaliya, ayaa labadii maalin ee ugu danbeysay kusii qul qulay magaalada Kismayo, Ciidamadan ayaa gaaraya ilaa 500, oo Askari, waxayna wataan gaadiid gaaraya 10.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Gedo, hadana sheegay inuu yahay Guddoomiyaha gobalkaasi Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wareysi uu maanta VOA siiyey ku tilmaamay maamulka magaalada Kismaayo mid jabhad ah oo aan matelin deegaankaas.

Maxamed Kaliil oo ku sugan gobalka Gedo ayaa sheegay in ciidamada ay Gedo ka direen ay ku baxeen amarka dowlada Federaalka, isagoo sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka taliso dalka, isla markaana maamulka kumeelgaarka ah ee ka jira Kismaayo uusan horjoogsan karin amarka dowlada Federaalka.

“Koox gaar ah ama qabiil ma sameyn karaan maamul, Dowlada Federaalka ayaa ah mida dalka u talisa oo ah inay hormuud u noqoto maamul u sameynta gobalada Jubooyinka” sidaa waxaa yiri Maxamed Cabdi kaliil.

Xiisada Kismaayo oo cirka isku shareertay:

Maamulka KMG ah ee ka taliya magaalada Kismaayo, ayaa Ciidamada katirsan doowlada ee gaaray duledka magaalada, ku amray ineeysan magaalada gudaha usoo gali Karin, sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in Maamulka Kismaayo hada ka arimiya ay Ciidamada Kenyanka u sheegeen in Ciidamadan ay ka tirsanyihiin Al-shabaab, laakiin wadahadalo dheer oo dhexmaray saraakiisha hogaamineysay Ciidamadan kasoo tagay gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada kenyanka, ayaa markii danbo laga dhaadhiciyay in Ciidamadan aysana ahayn Al-shabaab balse ay yihii Ciidamo katirsan doowlada Somalia.

Dhageyso wareysiga Maxamed Cabdi Kaliil

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/03/mckaliil.mp3″]

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in gudaha magaalada Kismaayo ay ka soconayan is urursi u dhaxeeya maleeshiyaadkii horay magaalada ugu dagalamay, iyadoo hawada laga saaray isgaarsiintii magaalada, waxaana laga cabsi qabaa in iska hor’imaad uu dhexmaro labada dhinac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here