Luis suarez oo noqday halyeeyay u soo baxay reads

352803hp2Luis Suarez ayaa noqday halyeeyay u soo baxay kooxda Liverpool, kaddib markii uu Axadii dhaliyay labo gool.

Kooxda Reads ayaa hadda hoggaanka horiyaalka si KMG ah ula wareegtay, in kastoo ay sugeyso kulanka Chelsea iyo Arsenal.

Suarez ayaa dhaliyay goolkiisii 19-aad markii uu ka soo muuqday 12-kulan horiyaalka Ingiriiska.

Zuarez waxaa la tartamaya Sergio Aguero oo isna 13-gool dhaliyay markii 15-kulan u saftay kooxda Man City.

Xidigga reer Uruguay ayaa tan iyo markii uu ka soo laabtay ganaax 10-cayaarood oo lagu riday dhammaadkii xilli cayaareedkii horre wuxuu noqday laf dhabar u soo baxay kooxda.

Wuxuu dhawaan saxiixay Zuarez heshiis uu muddo dheer kula joogayo Liverpool, kaasoo meesha ka saaray in uu ku sii jeedo kooxo kale.

Horiyaalka Ingiriiska kulamadii toddobaadkan la cayaaray waxaa ka mid ah:

Liverpool     3 – 1     Cardiff City  

Crystal Palace     0 – 3     Newcastle United     

Fulham     2 – 4     Manchester City    

Manchester United     3 – 1     West Ham United    

Stoke City     2 – 1     Aston Villa    

Sunderland     0 – 0     Norwich City   

West Bromwich …     1 – 1     Hull City    

Southampton     2 – 3     Tottenham Hotspur    

Swansea City     1 – 2     Everton     View events

Caawa la sugayaa natiijada cayaarta Arsenal    iyo  Chelsea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here