Luis Suarez oo loo magacaabay weeraryahanka Sanadka-Hadaba yuu ku garaacay?

Suarez oo loo doortay weeraryahanka ugu wanaagsan Yurub
Suarez oo loo doortay weeraryahanka ugu wanaagsan Yurub

Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa loo magacaabay weeraryahankii ugu fiicnaa xili ciyaareedkan, waxaana uu abaal marintaan ku garaacay Robert Lewandowski oo kaalinta 2-aad ka galay qiimeyntaan.

Suarez, ayaa ahaa weeraryahankii ugu fiicnaa xili ciyaareedkan, sida uu qabo wargeyska Goal.

Suarez oo ay abaalmarintaan Goal kula tartamayeen weeraryahano badan oo xili ciyaareedkan wacdaro dhigaya, ayaa 43% helay codad bixintii uu Goal sameeyay.

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang ayaa helay (15 percent), Weeraryahanka Bayer Leverkusen Javier Hernandezayaa isna helay  (7 percent) sidoo kale Zlatan Ibrahimovic ayaa isna helay(5 percent).

Suarez, oo hada hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Spain, ayaa 26 kulan ku dhaliyay 26 Gool dhamaan tartamada oo idil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here