Luis Suarez oo ganaax culus la dul dhigay iyo Liverpool oo la duubatay

Kooxda Liverpool ayaa aad uga carootay ganaax sideed kulan iyo £40,000 oo garka loo geliyey weeraryahankeeda Luise Suarez.

Luis Suarez ayaa lagu helay danbi ah inuu caayey midabka daafaca madowga ah ee kooxda Manchester United Patrice Evra, waxaa dacwadaan ka dhanka ah weeraryahankan u dhashay dalka Uruguay ay soo socotay mudo todobaadya ah.

Xiriirka Ingiriiska ee FA ayaana ugu danbeynti go,aan ka gaaray iyaga oo usoo daliishaday dib u daawashada cajalad laga duubay ciyaarti dhex maratya 15-ki October Liverpool iyo Man United.

Liverpool iyo xidigooda ayaa heysta mudo 14 maalmood oo ay racfaan kaga qaadan karaan, laakin war ay maanta soo saartay Liverpool waxay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay ganaaxaan oo ay ku tilmaantay mid cadaalada ka fog.

Waxa ku sifeeyey xidigooda nin aanan dadka kunsiriyeen, iyada oo tusaale usoo qaadatay Suarez oo awoogiis madoow ah iyo qaar ka mid ah asxaabtiisa oo African ah.

Suarez ayaa isna hadal uu ku shaaciyey Twitter xalay wuxuu ku dheegay inuu aad uga xanuunsanayo ganaaxan la saaray.