Lucio Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Juventus

Daaficii hore ee kooxda Intermilan Lucio ayaa saakay baaritaan Caafimaad umaraya kooxda Juventus kahor ituusan qalinka dul dhigin heshiis dhan 2-sanadood.

Lucio ayaa Juve kaqaadan doona 2.60 million Euros halkii xili ciyaareedba waxaana loo balan qaaday in loosii kordhin doona lacagta hadii uusoo bandhigo ciyaaro wanaagsan.

Lucio ayaa waxa uu laba sanadood lajoogay naadiga Intermilan waxaana uu kula guuleeystay tartanka Champion league iyo horyaalka wadankaas iyo Koobab kale

Lucio oo ay xiiseeynayee naadiyada Fenerbahce iyo Bayer Leverkusen ayaa ugu danbeyntii doortay inuu kubiiro marwada duqda ahee Juventus oo ah horyaalkaItaly

Juventus ayaa horay ula soo wareegtay xidigaha kala ah Sebastian Giovinco, Mauricio Isla iyo Kwadwo Asamoah.