London: Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay London

Bartamaha magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa xalay ka dhacay weerar ay ku dhinteen inka badan shan ruux, waxaana ku dhaawacmay 30 ruux oo ku sugnaa goobta la weeraray.

Weerarada ayaa mid ka mid ahi loo adeegsaday baabuur lagu jiirsiiyey dad marayey buundada London Bridge ee bartamaha magaalada London, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada London ee caasimada dalka Britain.

Weerarka kale oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa tooreey ayaa lagu midiyeeyey dad rayid ahaa, meel aanan ka fogeyn halka uu ka dhacay weerarka baabuurka loo adeegsaday.

Raysal wasaarahada Britain, Therasa May oo la hadashey warbaahinta ayaa sheegtay in weerarkan ay u tixgalinayaan mid argagixso.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay toogasho ku dileen ragg looga shakisan yahay Weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here