London: Philip Hammond oo Muqdisho kusoo fool leh

2000 (1)Philip Hammond, oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska,  ayaa maalinta berri lagu wadaa in booqasho hal maalin ah ku yimaado magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan Mr Hammond ayaa la kulmi doona Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo kala hadli doona waqtiga kala guurka doorashooyinka la filayo inay Agosto ka dhacaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ayaa sidoo kale la kulmi doona Mas’uuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, isagoo ka wareysan doona xaalada Soomaaliya iyo waxqabadkooda.

Dowladda UK ayaa dhowaan Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo ka taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda la dagaalanka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here