Lix ruux oo siyaabo kala duwan xalay loogu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Waxaa xalay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ka dhacay dilalki ugu badnaa ee sanadkaan halmar ka wada dhac, iyadoo afar ka mid ah lagu toogtay xaafada Buula Xuubeey e.

Dilalka oo ay fuliyeen afar ka mid ah Al Shabaab, ayaa waxay dhaceen xalay fiidkii waxaana wararku ay sheegayaan in sadex ka mid ah lagu dilay meel lagu shaaho oo ku taala Buula Xuubeey.

Sadexda ruux ee lagu dilay biibitada shaaha laga cabo ayaa waxaa ugu galay rag ku hubeesnaa bistoolado kuwaasi oo weerarkaasi ku qaarijiyey, waxaana war kasoo baxay Shabaab lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen ragaan ciidamada nabadsugida.

Nin kale oo lagu magacaabi jiray Macalin Ismaaciil oo ka tirsanaa shaqaalaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowlada KMG ayaa isna la dilay salaadi cishaha kadib xillu uu kasoo baxayey masaajidka Kashaka.

Dhanka kalana laba nin oo walaala ahaa oo uu midi ka tirsanaa ciidanka qalabka sido ayaa lagu dilay banaanka hore ee gurigooda oo ku yaala degmada Wadajir sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dilka labadani nin ayaa lagu eedeynayaa ciidamo ka tirsan milatariga oo xurguf kala dhaxeysay mid ka mid ah labada nin ee la dilay.

Dilalkaan ayaa amakaag iyo naxdin ku beeray dadka ku nool xaafada Buula Xuubeey ee magaalada Muqdisho, oo lagu tiriyo tan ugu qatarsan marka laga eego xaafadaha degmada Wadajir.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.