lix ku dhimatay qarax saakay ka dhacay Gaalkacyo

Lix ruux oo afar ka mid ahi ahaayeen ciidama amaanka Puntland ayaa ku dhintay qarax saakay ka dhacay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah qaraxa ayaa ahaa miinada laga hago rimuudka waxaana beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa kuwa amaanka.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah laba ruux oo rayid ah oo la kulmay qaraxa xilli ay marayeen wadada sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada amaanka ayaa gooobta soo buux dhaafiyey kuwaasi oo baaritaano ka sameeyey goobta, wararka ayaa intaasi ku daraya in ay soo qab qabteen dad ku sugnaa agagaaraha halka qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, balse waxa uu noqonayaa kii ugu qasaaraha badnaa ee baryahan ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo qeybta ay Puntland maamusho ayaa ka mid ah meelaha ugu qaska badan, gaar ahaan xaafada Garsoor oo sanadki hore ka dhacay dagaal u dhaxeeyey maamulka iyo wadaado hab beeleed isu baheystay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.