Lix caruur ah & ayeeyadood oo lagu gubay Shalaanbood

Waxaa arin aad looga xumaada ah falkii ka dhacay duleedka magaalada Marka ( Shalanbood) .Lix carruur ah oo ka ugu yar lix bil jir uu yahay ka ugu weynna uu yahay 13 jir iyo ayeeyadood ayaa lagu gubay aqalkii ay ku noolaayeen xalay.

Dadka la gubay magacyadoodu waa kuwan hoos ku qoran.

1)Khadiija Maxamed Soomow oo 70-sano jir
2) Farxiya C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
3) Naciima C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
4) Axmed C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
5) Muzamil C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
6) Mulki C/Qaadir Sheekh Maxamed Sh, Maxamuud Gacal
7) Nuur Cabdi Cusmaan Danoow .

Masiibadan sida muuqata waxa uu ka dhashay dagaal u dhaxeeya beelaha Biyo Maal iyo Habar Gidir oo muddo soo jiitamayay kana jiray qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

Dabka beryahan wuu soo socday laakiin lama fileyn tan oo kale.Waxaa la gubay Dukaamo hanti ku jirtay magaalada Marka dhexdeeda , waxaa la gubay xaruntii Iimaan Center ee Maano Xaajow , Waxaa la gubay gurigii haweeney ganacsato ah Faaduma Canjeero , waxaa u danbeeyay falka naxdinta leh ee xalay dhacay.

Dilal farabadan oo dad aan waxba galbsan oo meydkoosa dibadda la soo dhigay ayaa ka horreeyay.
Aaway dowladii Soomaaliya ? Maxey u eeganayaan dhibaatooyinka dhacaya . Shabaab kolkeey gacanta ku hayeen waxani ma dhacey ,waayo hadda?
Aaway dowlad goboleedkii Koofur Galbeed ma afkiibaa juuqda gabay?
Culumo iyo Wax garad damiir leh miyaanu jirin ? Aaway qabaa’ilkii kale ee deegaanka maxeey isugu dayi la’ yihiin in masiibada gacan ku sameyska ah ee socota ay xal u helaan?
Aaway ururadii Bulshada ee hadeey wax kala dhaafi waayaan hadli jiray ?
Walaalayaal maanta waxaa la joogaa Gobolka Sh/hoose oo ah gobolka 1aad ee u qeyraadka badan Soomaaliya (Somalia’s Bread basket) in gaajo loogu dhimanayo colaadda darteed oo wax la beeran waayay .
Waxba inoo tarimeyso inaan dib u eegno waxii horey u dhacay iyo taariikho fog .
Qof kasta oo Soomaaliyeed oo kara inuu wax ka damiya dabkaa holcaya Allah dartii gacan ha uga geysto . Fikir wax gal ah ku biiri.

Xigasho: Moalimuu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here