Liverpool oo usoo tafa xeeydatay Chamberlain

Liverpool ayaa sameey doonta isku daygii ugu dambeeyay eey ay kusoo qaadaneyso xidiga Arsenal katirsan ee Alex Oxlade-Chamberlain, iyagoona ku dalbanaya aduun dhan 40m.

Macalinka Liverpool Klopp ayaa si weyn u qiimeeya xidiga reer England, kaasoo qandaraaska uu Arsenal ku jiro ay ka harsantahay 12 Bilood oo qura.

Alex Oxlade-Chamberlain, oo hada 23 jir ah ayaa Kullamadii ugu dambeeyay Horyaalka muhiim ka ahaa kooxdiisa isagoo booska ka qabsaday Bellerin kaasoo loo badinayo inuu u wareego Barcelona.

Dhinaca kale Wenger ayaa doonaya inuu heshiis cusub ka saxiixdo xidigaan islamarkaasna mudo dheer uu kusii haayo Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here