Liverpool oo kordhisay dhibacaha hoggaanka horyaalka

Liverpool oo kordhisay dhibacaha hoggaanka horyaalka
Liverpool oo kordhisay dhibacaha hoggaanka horyaalka

Liverpool ayaa xoojisay hoggaanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League kaddib markii 2 iyo 3 ay uga adkaatay Norwich City.

Goolasha Reds labo ka mid ah waxaa dhaliyay Raheem Sterling halka goolka seddaxaad dhaliyay Luis Suarez.

Guushan Liverpool waxa ay ka dhigeysaa in ay tahay kooxda ugu rajo fiican marka loo eego kooxaha hoggaanka isku garbinaya.

Waa guushii 11-aad oo isku xiga ay gaarto Liverpool waana rikoor cusub.

Liverpool in ay heerkan gaarto waxaa ugu dambeesay sannadkii 1990-kii

Norwich weli waxa ay ku jirtaa kooxaha qarka u saaran in ka haraan horyaalka xilli cayaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here