Liverpool oo ka guulaysatay Aston Villa

 

Liverpool ayaa Axadii 2-1 kaga badisay kooxda Aston Villa,horiyaalka Premier League.

Kooxda Aston Villa, ayaa qarka u saaran in ay ka harto horiyaalka, iyadoo ku jirta kooxaha loo cabsi qabo.

Christian Benteke ayaa daqiiqadii 31-aad ka dhaliyay kooxda Liverpool, ciyaartii ka dhacday Villa Park.

Liverpool waxaa goolasha u dhaliyay,Jordan Henderson,oo labo daqiiqo kaddib qaybtii labaad ansixiyay, halka daqiiqadii 60-aad uu gool ku laad dhaliyay Steven Gerrard kaddib markii Luis Suarez qalad lagaliyay.

Villa ayaa ka mid ah, kooxaha seddaxda ah ee heerka hoose ku jirra, laakin 18-aad ayey ku jirtaa 20-koox ee horiyaalka.30-dhibcood ayey lee dahay.

Waxaa ka hooseeya Queens Park Rangers iyo Reading, oo labaduba leh mid 23-dhibac.

Kooxda Liverpool ayaa 48-aad dhalisay, waxaana ay ku jirtaa kaalinta 7-aad iyadoo u tartameysa tartanka Yurub ee xilli ciyaareedka soo socda.

 “Ciyaarta qaybtii koobaad, waxaan u ciyaarnay si xilkasnimo ah, laakin khalkhal ayaa nagu yimid markii uu gool naga dhaliyay Benteke,” sidaas waxa saxaafadda u sheegay Brendan Rodgers said.

“Qeybtii labaad ciyaarta, ciyaartoydeena waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleestay oo ay ka muuqabto xilkasnimo.” Ayuu yiri.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here