Liverpool oo heshiis la gashay Kolo Toure

Naadiga Reds-ka ayaa shaaca ka qaaday in ay la soo wareegtay difaaca kooxda Man City, Kolo Toure

Ciyaaryahanka reer Ivory Cost ayaa ka tagay garoonka Etihad Stadium isagoo halkaas dhowr sanno joogay.

Liverpool ayaa shaacisay in xidiggan uu si rasmi ah ugu soo biiray kooxda ka dhisan garoonka Anfield.

Heshiisk Kolo Toure uu ku joogayo kooxda Manchester City ayaa ku eg 1-da bisha July sannadkan, markaas ayaana la filayaa in uu heshiis rasmi ah la gaaro kooxda ka dhisan garoonka Anfield.

Xidiggan reer Ivorian ayaa boos joogta ka helin kooxda uu hadda ka tirsan yahay ee City , waayo 32-jirkan 17-kulan ayuu u ciyaaray kooxda xaggan dhammaadka ah.

Sababtu waxaa lagu sheegay in ciyaaryahanka uu bookska waayay kooxda, waxaana booskiisa xirtay ciyaaryahanka da’da yer ee reer Serbia Matija Nastasic iyo Vincent Kompany kuwaasoo loo daayay booska difaaca.

Toure ayaa imaashiyihiisa wuxuu ka caawin doonaa Reds dhinaca difaaca, waayo waxaa hadda kooxda ka tagay Jamie Carragher, kaasoo horaantii bishan ka fadhiistay ciyaaraha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here