Liverpool oo quus ka taagan in ay ku guuleesato horyaalka

Cayaartoyda Liverpool oo baroor la dhacay
Cayaartoyda Liverpool oo baroor la dhacay

Kooxda Liverpool oo la islahaa waa ay ku guuleesan kartaa horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier Leagu, ayaa hadda waxa ay u muuqaataa mid quus ka taagan hankaas.

Liverpool xaley cashar ayaa loo dhigay, kaddib markii 3 iyo 3 ay la gashay kooxda Crystal Palace.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Selhurst Park ee ku yaalla London, waxay ku dhammaatay 3 iyo 3.

Goolasha Reads waxaa u kala dhaliyay Joe Allen, Daniel Sturridge iyo Luis Suárez.

Qaybtii horre cayaarta waxa ay ku dhammaatay 1 iyo 0 , balse dib la isugu soo laabtay cayaarta ayaa isbashay, oo kooxda Leveropool waxa ay la kulantay weerar xoog badan.

Cayaarta markii ay dhammaatay waxaa la arkayay cayaartoyda kooxda Liverpool oo baroor iyo oohin ka bixi waayay maadama aysan ku farxin sidda ay cayaarta noqotay.

Natiijadan Liverpool waxay uga dhiggan tahay in Liverpool ay su’aal ka taagan tahay, waayo horyaalka waa dhammaad.

Kooxda Man City ayaa loo badinayaa in ay guuleesato horyaalka, maadama ay lee dahay 80- dhibcood.

Chelsea ayaa kaalinta seddaxaad oo waxa ay lee dahay 79-dhubcood.

Marka uu saan oo kale soo gaaro horyaalka lama saadaallin karo kooxda ku guuleesan kasta ilaa inta la ogaanaayo dhammaadka horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here