Liverpool oo daadka ku dirtay Cardiff City

Luis Suarez oo dhaliyay goolasha seddex leeyda ah
Luis Suarez oo dhaliyay goolasha seddex leeyda ah

Kooxda Liverpool ayaa lix gool ku xaaqday kooxda Cardiff City, kaddib markii labada koox ay cayaareen caawa kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska Premier League.

Xiddiga reer Uruguay Luis Suarez ayaa dhaliyay seddax ka mid lixda gool ay ku adkaatay kooxda Liverpool.

Waa goolkiisii 28-aad ee uu dhaliyo xilli cayaareedkan.

Kooxda ayaa ku hamineysa in la wareegto hoggaanka horyaalka Premier League.

Tababbarre Brendan Rodgers ayaa soo dhaweeyay guusha kooxdiisa ay gaartay caawa, isagoona intaas ku daray in ay ku dedaali doonaan siddii ay kaalin fiican xilli cayaareedkan u gali lahaayeen horyaalka.

Si kastaba, goolasha ay dhalisay Liverpool, kuwa la mid ah waxaa dhaliyay Chelse oo xasuuqday Arsenal , waxaana ay ka dhaliysay 6.

Kooxda Liverpool ayaa ku dagaallameysa in ay dhigto rikoor cusub oo ah horyaalka Premier League maadama goolal badan ay dhalisay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here