LIVE:Bayern Munich 1 Barcelona o

Ciyaar hada ka socota Garoonka Allianz Arena ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa Kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich iyo Kooxda Reer Spain ee Barcelona, ciyartaan oo ah ciyaar saaxiibtinimo ayaa hada waxaa lagu kala maqanyahay Kaambiyo waxaana 1/0 ku hogaamineysa Ciyaaryahanada Tababare Guardiola.

Guardiola ayaa ka hor’imaanaya Kooxdii uu magaca kusoo yeeshay iyo sidoo kale xidiga leo Messi oo sabab u ahaa inuu ka saacido in koobab badan uu kula guuleysto mudadii uu ku sugnaa New Camp.

Sidoo kale Barca ayaa waxaa wata tababare Cusub kaasoo lagu magacaabo Gerardo Martino kaasoo badalay tababarihii hore Tito vilanova oo shaqada iska casilay kadib markii uu kusoo laba kacleeyay Kansar ka haya Dhuunta.

Xidigaha u safan labada dhinac:

Bayern Munich: Neuer, Rafinha, Dante, Boateng, Alaba, Thiago, Lahm, Kroos, Ribery, Robben, Muller.

BarcelonaPinto, Montoya, Bartra, Mascherano, Adriano, Song, Sergi Roberto, Dos Santos, Tello, Messi, Alexis.

Wixii kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah.

Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here