Live u daawo: Soomaaliya oo maanta gudbineysa doodeeda


Waxa maanta maalintii labaad gelay dhagaysiga dacwadda ka socota maxkamada caalamiga ah ee caddaladda oo ku saabsan muranka soohdinta badda ee u dhaxeeya Kenya iyo soomaaliya.

Maanta soomaaliya ayaa maxkmadda ka hor jeedineysa doodeeda.

Kenya ayaa shalay soo bandhigtay qodobada ay ku doodayso, waxayna xoogga saartay in dib loogu noqdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2009-kii.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo laba jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsantahay xeer-xeyndaabkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here