Lionel Messi oo ku kalsoon kulanka caawa

Xidigga kooxda Barcelona  Lionel Messi ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in uu ku kalsoon yahay kulanka caawa kooxdiisa ay la yeelaneyso lugta labaad koobka boqorka ee Copa del Rey kooxda ay xifaalaan ee  Real Madrid.

Messi, ayaa sheegay in uu ku kal soon yahay kooxdiisa waxaana uu sheegay in ay u ciyaari doonto kulankii habeen hore la yeelatay kooxda  Sevilla ee horiyaalka La Liga.

 

“Waxaan sameen doonaa wax kasta oo ku aadan siddii u soo bandhigi lahayn ciyaar macquul ah oo ay ku qancaan taageerayaasha kooxda ,” ayuu u sheegay Barca TV.

Wuxuu intaas ku daray in ay isku geeyaan dedaalkooda oo dhan ciyaar waayo buu yiri waa kulan aad u adag.

Messi ayaa sheegay haddii ciyaarta ay ku dhammaato 0 iyo 0 in xittaa ay anfaceyso Barca , laakin wuxuu tilmaamay in ay soo bandhigi doonaan wax ay ku qancaan taageerayaasha kooxda .

Kooxda Barcelona ayaa dhawaanahan ka cabaneysay garsoorka gaar ahaan marka ay la ciyaareyso kooxda ay aad isku neceb yihiin ee Real.
Kulanka caawa ayaan la saadalin karin waayo waa kulan aad u adag oo labada koox aysan kala dhicin,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here