Lionel Messi oo ku guuleystay abaal marinta European Golden Shoe

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarinta Kabta Dahabka ee Yurub (European Golden Shoe) kadib marki uu noqday ninka ugu gooldhalinta badan xilli ciyaareedkan.

Xidigan reer Argentine ayaa dhaliyey 50 gool oo horyaalka Spain ee La Liga ah ololihi ay Barcelona uga qeybgashay, isaga oo afar gool ka badnaa ninka kusoo xiga ee Cristiano Ronaldo oo u ciyaara Real Madird.

Messi wuxuu ku dhacay inuu shabaqa taabto kulanki ugu danbeeyey ee horyaalka kaasi oo ay Sabtidi lasoo dhaafay Barcelona bar baro 2-2 ah la gadhashay Real Betis isla markaana ahaa kulanki ugu danbeeyey ee macalinka naadiga Pep Guardiola.

Sidaasi oo ay Tahay Ronaldo muusan soo gaarin, waayo kaliya hal gool ayuu ku lahaa kulanki ay Real Madrid 4-1 ku garaacday kooxda Malaga ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

Robin van Persie ayaa kusoo xiga oo ku qaaday gool dhalinta horyaalka Ingiriiska isaga oo dhaliyey 30 gool, laakin kulanki ugu danbeeyey ee ay Arsenal 3-2 ku garaacday West Brom wax gool ah muusan dhalin.

Waxaa booska sadexaad ku jira Klaas-Jan Huntelaar oo ka ciyaara horyaalka Jarmalka, isaga oo dhaliyey 29 gool, waxaa kusoo dhawaaday Mario Gomez oo Bayern Munich u ciyaara kaasi oo saxiixay 26 gool.

Booska afraad waxaa dagan weeraryahanka Milan Zlatan Ibrahimovic oo shabaqa dhex dhigay horyaalka dalka Talyaaniga 28 gool, walow kulanki ugu danbeeyey ee ay Milan shalay kusoo qatintay horyaalka uusan gool dhalinin, Milan waxay 2-1 ku cuntay Novara.

Wayne Rooney ayaa kusoo xiga oo 27 gool saxiixay, wuxuu ahaa ninki ka danbeeyey guushi shalay ay Manchester United 1-0 kaga badisay Sunderland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.