Lionel Messi oo afar gool dhaliyay

Lionel Messi oo afar gool dhaliyay
Lionel Messi oo afar gool dhaliyay

Lionel Messi ayaa muujiyay in uu yahay xiddigga kaliye ee jabiyay rikoorada u yaalla Barcelona ee ku aadan xagga gool dhalinta, oo ay ku jiraan cayaaraha saaxibtinimo.

Barca ayaa caawa 7 iyo 0 ku xaaqday kooxda Osasuna cayaar ka tirsan horiyaalka Spain, afar ka mid ah goolashaas waxaa dhaliyay Messi.

Xiddigga reer Argentina oo horrey u hoggaaminyay dhinaca gool dhalinta kooxda ayaa hadda jabiyay rikoor u u yaalay cayaaryahan horre Paulino Alcantara oo dhaliyay 369, waxaana ku jiray goolal laga dhiyay kulamo saaxibtinimo.

Tababbarraha Barcelona Gerardo Martino ayaa ku farxay guusha kooxdiisa ay gaartay.

Barca goolasha kale waxaa u kala dhaliyay Alexis Sanchez, Andres Iniesta, Cristian Tello iyo Pedro.

Kooxda Catalans-ka ayaa isku diyaarineysa kulan adag oo toddobaadka soo socda ay la cayaareyso  hoggaamiyaasha horyaalka Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here