Libya oo sheegtay qoyskii Qadaafi in laga waayay dalka Algeria

Libya ayaa ka dhawaajisay in seddax ka mid ah carruurta Hoggaamiyihii horre ee Libya Korneel Muammar Gaddafi’ iyo xaaskiisa ay ka dhaqaajiyeen dalka Algeria, sidaas waxaa sheegay danjiraha Libya.

Caacisha iyo Xannibal Qadaafi ayaa waxaa doon-doonaya booliska adduunka ee Interpol waxaana la aaminsanaa in ay u carareen waddanka Algeria, markii uu billowday kacdoonkii abaahood aakhirkii lagu dilay.

Wiilka seddaxaad ee Mohamed iyo xaaska Qadaafi ee Safiya, ayaa shantooda waxa ay ku sugnaayeen in muddo ah dalka Algeria.

Danjire Cabdel-Hamid Bouzaher ayaa yiri qoyska qadaafi lama hayo, waana ay ka tageen dalka Algeria, wuxuu intaas ku daray muddo dheer ayaa la waayay, isagoo faah-faahin kale bixin.

Toddobaadkii horre, ayaa mid ka mid ilma adeerada Qadaari, Ahmed Gaddaf al-Dam, waxaa lagi xiray dalka Masar.

Afar ka mid ah qaraabada Col Gaddafi ayaa qoxooti ahaa u tagay dalka Algeria sannadkii 2011 kaddib markii mucaaradka soo gaareen caasimada Libyan ee Tripoli, intii lagu gudajiray kacdoonkii lagu soo afjaraayay xukunkii 42-sanno.

Halka la geeyay ninkan la qabtay illaa hadda lama ogga.

Warka ku sabsan in qoyska Qadaafi u carareen dalka Algeria waxaa shaaciyay bishii November kal hore warbaahinta carabta, laakin si rasmi ah looma ogeyn halka ay joogeen.

Sidoo kale waxaa markii ugu horreeyay shaaciyay in qoyska Qadaafi ku sugan Algeria dowladda dalkaas.
BBC-da oo xiriir la sameeyay ra’iisal wasaaraha Libya wax jawaab ah kama bixin warka ku saabsan in qoyska Qadaafi ka tageen Algeria.

Wariye ka tirsan BBC-da oo lagu magcaabo Rana Jawad ,kuna sugan Tripoli, waxa ay lee dahay carruurta Qadaafi lama ogga illa hadda halka ay ku nool yihiin.

Qoyska Qadaafi ayaa lahaa dhaqaale badan sida shirkado isgaarsiin, maraakiib ganacsi kuwaasoo ay sameeyeen intii uu aabahood ka arriminaayay dalka ku yaalla waqooyiga Africa.

Wiil kale oo uu dhalay Qadaafi, oo lagu magacaabo Saadi ayaa u cararay dalka Niger illaa haddana war iyo wacaal lagama hayo.

Saif al-Islam, oo ahaa ninka badali lahaa aabihiis ayaa lagu qabtay dalka Libya, wali wuu uu xiran yahay, waxaana sidoo kale dambi ku heesata maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC ee ku taalla The Hague, waxaa loo heestaa dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here