Lewandowski: Waxaan u socdaa Bayern bisha January

295434_herolWeerar yahanka kooxda Borussia Dortmund, Robert Lewandowski ayaa soo afjaray warar badan oo ah suuqa ku jiray kuwaaso ah in uu ciyaaryahankan ku sii jeedo kooxda Bayern Munich .

25-jirkan ayaa si weyn loo hadal hayay in uu ka tagayo xaagggan garoonnka Signal Iduna Park  balse kooxda ayaa diidday , waxaa hadda u haray ka hoos ciyaarta Jurgen Klopp hal xilli wuxuu bixi doonaa sannadka na soo aadan ee 2014.

Kooxda Bavarians-ka ayaa sheegtay in weli ay u baahan tahay xidiggan reer Poland, si kastaba Lewandowski ayaa xaqiijiyay in uu u soo wareegi doono garoonka Allianz Arena bisha January si uu uga qaybgalo xilli ciyaareedka dambe.

Mar weydiiyay haddii uu xaqiijiyay u soo wareegidiisa Bayern Pep Guardiola’s men bisha January  wuxuu ku jawaabay: “Haa, maxaa yeelay wuxuu doonayaa in si rasmi ah la iigu soo wareego.”

Xidigga reer Poland ayaa dhaliyay 80-gool in ka badan 149 kulan oo u ciyaaray kooxda Dortmund tan iyo markii kaga soo biiray  Lech Poznan sannadkii 2010.

Cayaaryahanka ayaa xilligaas ku fadhiyay €4.5 million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here