Laxamiiste Jiim Sheekh Muumin oo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka Adan Cade

Kadib sanado uu ku xirnaa xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayuu laxamiiste Jiim Sheekh Muumin xoriyadiisi dib u helay, isaga oo maantana lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Adan Cade ee Muqdisho.

Koox fanaaniin ah iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa ayaa soo dhaweeyey laxamiistaha ku caanbaxay curinta laxanka iyo qaabeynta heesaha sidoo kalana loogaga danbeeyo garaacista kabanka.

Fanaaniinti soo dhaweysay waxaa ka mid ah Saciid Harawo iyo qaar kale oo fara badan, waxaana xusid mudan in inti uu garoonka joogay loo tumay kaban taasi oo ka qoslisay dadki garoonka joogay.

Hadal uu warbaahinta ku siiyey garoonka Adan Cade ayuu Jiimi ugu mahad celiyey inti ka qeyb qaadatay sii deyntiisa iyo inti Mudqisho kusoo dhaweysay.

Jiimi Sh Muumin ayaa mudo ku dhawaad shan sana ah ku jiray xabsiga Mandheera ee duleedka Hargeysa kadib marki lagu eedeeyey inuu dilay wiil kasoo jeedo magaalada Hargeysa.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa dhawaan ka codsatay maamulka Hargeysa in uu soo sii daayo abwaankan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.