Laurent Koscielny oo amaan ugu qubeeyay Olivier Groud

Arsenal oo hada kamid ah naadiyada tartanka ugu jira Horyaalka Premier League, ayaa galeysa Bilaha dhibka badan ee ay inta badan sibxato, balse waxeey u muuqataa in Groud oo kursiga keydka lagu ilooway uu meel wanaagsan uga soo baxay, kaasoo 5-tii kulan ugu dambeysay u dhaliyay 5 Gool.

Koscielny ayaa la yaabay sida saaxiibkiis ay isku wadanka yihiin ula tacaamulay xaaladii adkeyd soo wajahday  (Photo: Getty Images/Daily Mirror)
Koscielny ayaa la yaabay sida saaxiibkiis ay isku wadanka yihiin ula tacaamulay xaaladii adkeyd soo wajahday (Photo: Getty Images/Daily Mirror)

Koscielny, ayaa sheegay in Groud Kursiga Keydka uu ka helay dhiira gelin iyo maskax adag, maadaama uu shantii kulan ugu dambeysay 5 Gool u dhaliyay Arsenal.

Oliveir Groud, ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga soo laabtay koobkii qaarada Yurub ee xulkiisa Finalka looga adkaaday waxa uu Kursiga Keydka kusoo bilaabanayay Kulan walbo, taasoo shaki badan gelisay mustaqbalkiisa Arsenal.

Groud, ayaa Badal kusoo galay Ciyaar ay arsenal la ciyaareysay Sunderland, waxaana markaas ciyaartu ay ahayd bar baro 1-1, balse waxa uu shabaqa ku hubsaday 2 Gool sidaas ayuuna Guul ugu horseeday, sidoo kale waxa uu daqiiqadihii ugu dambeeyay badal kusoo galay Ciyaartii United & Arsenal, markaasoo nadigiisa Gool lagu lahaa waxaana uu markale daqiiqadihii dhimashada uu ka fujiyay arsenal waxaana uu ciyaarta ka dhigay 1-1, sidoo kale waxa uu Gool ka dhaliyay naadiga PSG ciyaar katirsaneyd Champion League.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here