Laheyste Mareykan ah oo Barak Obama ugu baaqay inuu fuliyo dalabka Al Qacida

Fariin muuqaal ah oo ay Al Qaacida soo dhigeen bar internet ayaa waxaa kasoo muuqday muwaadin Mareykan ah oo afduubaan, kaasi oo ka dalbay madaxweyne Obama inuu ogolaado dalabyo ay u direen AL Qaacida.

Laheystahaan oo lagu magacaabo Warren Weinstein ayaa sheegay in noloshiisa ay ku xirantahay in Mareykanka uu ogolaado dalabka Al Qaacida oo ah in ay duqeynta ka joojiso dalalka Al Qaacidada Pakistan, Afghanstan, Yemen iyo Somalia.

“Mudane Madaxweyne nolosheyda waxay ku jirtaa gacmahaaga, hadii aad aqbasho dalabka waan noolaanayaa, hadii aadan aqbalin dalabka hada waan dhimanayaa, ” ayuu yiri muwaadinkaan Ameerikaanka ah.

Weinstein oo ah oday 70-sano jir ah ayaa waxaa kooxo hubeysani ay ka afduubteen guri uu ka daganaa magaalada Lahore ee dalka Pakistaan bishi August ee sanadki hore, waxa uu ka shaqeynayey shirkad xaga ganacsiga oo xarunteeduna tahay gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Bishii December cajalaf muuqaal ah oo uu soo diray hogaamiyaha Al Qacida Ayman al-Zawahri waxa uu ku balan qaaday in ay sii deyn doonaan ninkasi hadii Mareykanka uu ka joojiyo duqeymaha cirka ah Afghanistan, Pakistan, Somalia iyo Yemen. waxa kale oo uu dalbaday in la sii daayo maxaabiista Al Qaacida iyo Talipan ee ku xiran caalamka dacaladiisa.