Laheystayaal ku dhintay dagaal dhaxmaray burcad badeed Soomaali ah iyo ciidamada bada Denmark

Laba ka mid ahaa shaqaalaha markab laga lahaa dalka Denmark ayaa geeriyooday ka gadaal marki uu iska hor imaad ku dhexmaray gudaha markabka burcad badeed Soomaali ah iyo ciidamo ka tirsan Mariineska Denmark.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ka baxsan xeebaha dalka Soomaaliya kadib marki markab dagaal oo ay leeyihiin ciidabada bada Denmark oo lagu magacaabo Absalon uu ku amray burcad badeeda in ay is dhiibaan.

Markabka Absalon ayaa ku roondeynayey biyaha Gacanka Cadmeed isaga oo qeyb ka ah maraakiibta dagaalka ee NATO ee howlgalada ka dhanka ah burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Nato, markabka dagaal ayaa rasaas digniin ah kor ugu riday burcad badeeda, hase yeeshee dhag jalaq uma aysan siin, waxaana marki danbe ay arintu gaartay in faraha la isugu tago.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba ka mid ah 18 ruux oo saarneyd markabka la qafaashay iyo 17 ka mid ah kooxaha burcad badeeda, sida wararku ay sheegayaan labada ruux ayaa waxa ay u dhinteen dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Waxaa la qabtay dhamaan kooxahi burcad badeeda ee afduubtay markabka waxaana haatan loo sii wadaa meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, iyadoo laba ka mid ah burcada ay dhaawac yihiin.

Nato ayaa sheegtay in dhacdadaasi la baari doono.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.