Lafoole oo nabad ugu baaqay Soomaalida

Fanaanka Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole) ayaa ugu baaqay shacabka iyo dhinacyada iska soo horjeedo in ay nabad wada qaataan.

Al Fanaan Lafoole oo ka mid ah kuwa ugu codka macaan fanaaniinta soo caanbaxday 20-ki sano ee lasoo dhaafay ayaa isaga oo la hadlayey idaacada Radio Muqdisho u sheegay in Soomaalida ay kasoo daashay dagaalo iyo iska hor imaad, balse haatan loo socdo dowladnimo.

Madaxda dowlada ayuu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa KMG nimada, isaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay in Soomaaliya lagu qabto shir dib u heshiisiineed iyo shir lagu soo dooranayo dowlad rasmi ah.

Fanaaniinta ayaa door ka ciyaaro nabada iyo is dhaxgalka bulshada, waxaana ay awood u leeyihiin in fankooda kala duwan ay ugu ku baraarujiyaan shacabka iyaga oo ka eegaya xaga wanaaga.

Bilooyinki lasoo dhaafay ayaa waxaa kusoo badanayey Muqdisho fanaaniinta ku nool qurbaha oo kusoo laabanaya caasimada, inkasta oo uusan Lafoole wali kusoo laaban Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.