Labo qof oo rayid ah ayaa lagu dilay bartamaha Garrisa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garrisa, ayaa sheegaya in xalay fiidkii bartamaha magaalada lagu dilay 2 qof oo rayid ah.

Dilkaan loo geystay labadan qof ee rayidka ah, ayaa ilaa iyo hada la garaneyn cida dishay, waxaana lagu dilay inta u dhaxeysa Ciidamada Asluubta iyo Ciidamada AD loo yaqaano oo intoodaba dhaca bartamaha Magaalada Garrisa.

Ilaa iyo hada doowlada maysan shaacin cidii ka danbeysay, balse waxay isku dayeeysaa in halkaas ay raad raac ku sameyso, si gacanta loogu soo dhigo cidii ka danbeysay dilka loo geystay labdaas qof ee rayidka ah.

Dadka deegaanka ayaa ilaa iyo hada waxaa soo foodsaaray cabsi farabadan, kuwaasoo inta badan ku xeeran Suuqa magaalada Garrisa,w axaana dadka degan halkaas ay cabsi farabadan ka qabaan Ciidamo farabadan oo isugu jira Milatari iyo kuwa Koofiyad gaduuda oo halkaas lagu soo daadiyay.

Dilkan ayaa imaanaya kadib dadaal farabadan oo Ciidamada amniga Kenya ay ka muujinayaan sugida amniga, iyo waliba waxa ay ku sheegeen dadka danbiilayaasha ah, kuwaasoo ay horay u shaaciyeen ineey ka saareen gudaha Garrisa.

Ciidamada amaanka Kenya, ayaa ku jira heegan sare, iyadoo madaxweyne Uhuro Kenyatana uu isku dayayo inuu la tacaalo amni darida faraha badan ee kajirta qaar kamid ah degmooyinka dalka Kenya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here