Labo qof oo kale ayaa loo qabtay dilkii Sheekh Cabduqaadir Gacmey

Sida ay soo sheegayan wariyaasha ku sugan magaalada Laasacaanood ee gobalka Sool, waxaa maanta halkaas lagu qabtay labo qof oo lagu tuhun sayahay dilka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo Jimcihii hore lagu dilay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Labada nin ee la qabtay ayaa mid ka mid ahaa wuxuu gacan ka geestay dilka Sheekha, mid kalena wuxuu rabay in ninkale oo ka yimid Garowe uu ka caawiyo in uu keeno Laasacaanood.

Labada nin ayaa la sheegay in ay ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Laasacaanood halkaasoo ay baaritaano ku socdaan.

Taliyaha ciidamada booliska gobalka Sool ayaa sheegay in labada nin ay hadda xiran yihiin isla markaana baaritaan lagu hayo dabadeedna maxkamad la soo taagi doono.

Labadan qof ayaa la qabtay iyaga oo doonayey inay u soo gudbaan dhinaca magaalada Laascaanood ee Xarunta gobalka Sool.

Horrey ayaa nin kale oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilka Sheekha la qabtay markii uu falka dhacay waxaana hadda gacanta ku haya maamulka Puntland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here