Labo Qarax oo khasaaro geestay ayaa ka dhacay Liido

Waxaa galabta labo qarax oo ah kuwa ismiidaaminta ay ka dhaceen maqaayad ku taalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Labada qarax ayaa waxaa mid fuliyay nin la sheegay in uu watay wax yaabaha qarxa kaasoo ku jiray gudaha baarka Liido oo ah meel ay tagaan dadka qurbaha ka yimid iyo ganacsatada.

Inta la ogyahay hal qof oo ahaa kii isqarxiyay ah ayaa ku dhintay, iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen ku dhawaad  ilaa todobo qof oo dadkii maqaayadda ku sugnaa ah, kuwaasoo la sheegay in qaar ka mid ah ay dhaawacyadooda halis yihiin.

Afhayeenka ciidamada Booliska Gen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qaraxu sababay dhaawaca todobo ruux, isagoona intaa ku daray in ruuxa is qarxiyay uu mudo ku sugnaa gudaha maqaayadda islamarkaasina uu dhex meereysanayay, wuxuuna ku eedeeyay shaqaalaha maqaayadda in markii ay shakiyeen ruuxaasi ay ahayd in ay ku wargeliyaan xarunta ugu dhow ee Booliska.

Waa markii labaad oo la qarxiyo maqaayadda ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho bishii la soo dhaafay ayaa qarax noocan oo kale uu ka dhacay meel ku dhow afaafka maqaayada waxaa ku dhintay hal qof seddax kalena waa ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here