Labo nin oo ay miino kula qaraxday Beledweyne

Baladweyne-300x199Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo nin ay dhinteen kaddib markii ay la qaraxday miino ay ku aasayeen duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ahna sii-hayaha xilka taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolkaas, Maxamed Amiin ayaa sheegay in ay labada nin ka tirsanaayeen Al-Shabaab, ayna doonayeen in ay qaraxa ku dilaan dadka rayid ah.

Wuxuu xusay in ay ka war hayeen in ay ragga wateen walxo qarxa, isla markaana gaarigii siday uu ku dejiyay halka uu qaraxa dhacay.

Dhowr goor oo hore ayaa rag qaraxyo diyaarinayay waxay ku dhinteen halka loo yaqaan Bacaaddada oo ku taalla duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne.

Xigasho:BRK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here