Labo Nin oo Ajaanib ah ayaa maanta Laga Masaafuriyey Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Go’aan ay gaartay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa maanta barqadii Muqdisho garoonka Aaden Cade Airport laga masaafuriyey Labo nin oo ajaanib ahaa kuwaasi oo si sharci daro ah kusoo galay dalka Soomaaliya. 

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa ku dacweeyey labadaasi nin Xubno katirsan Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Wariyeyaal Kale kadib markii raggaasi Ajanibta ah ay magaca NUSOJ ay ku qaraabanayeen.

Labada Ruux ee Maanta laga Masaafuriyey Muqdisho ayaa waxay ukala dhasheen Dalalka Chana iyo Uganda waxaana la sheegay in ciidanka dawlada Soomaaliyeed ay Hoteelkii ay deggenaayeen kala baxeen xilli habeen ah maantana laga tarxilaay Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyey Masaafurinta raggaasi Ajaanibta ahaa ee Magacooda ku qaraabanayey ee Muqdisho kusugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here