Labo Kenyan ah oo u gacan galay Burcadbadeeda

Labo Kenyan ah oo u gacan galay Burcadbadeeda
Labo Kenyan ah oo u gacan galay Burcadbadeeda

Sidda uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo ah burcad-badeed Soomaali ah in ay afduubteen labo Injineer oo Kenyan kuwaasoo u shaqeenayay shirkad qaabilsa dhismaha oo ka howgalasha magaalada Muqdisho.

Andrew Mwangura xoghayaha urur ay lee yihiin bad mareenada bariga Afrika, wuxuu sheegay in kooxaha burcad-badeeda ay dalbadeen lacag madax furasho oo gaareysa $1 million si ay loo sii daayo.

“Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan oo ah qabiilka Habargidir (Ceyr) ay afdubteen labada nin ee Kenyanka ah in qoysaskooda dalbadeen hal million US dollar si loo sii daayo,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in la heestayaasha in ay u shaqneenayeen shirkadda dhismaha ee loo yaqaano African Construction Company taasoo ka shaqeysa arrimaha petrol oo ku taalla Muqdisho.

Si kastaba, Mr Mwangura ayaa sheegin magacyada labadan nin ee Kenyanka ah, waxaana la afduubtay bishii January 12, 2014 iyagoo ku sugnaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here