Labo katirsan amniyaadka shabaab oo Madaxtooyada lagu qabtay

villa-somalia-300x186Ciidamada Doowlada ee Ilaalada ka ah Madaxtooyada Villa Somalia, ayaa Talaadadii lasoo dhaafay Gacanta ku dhigay 2 nin oo katirsan Amniyaadka Shabaab, kuwaasoo doonayay ineey dilal qorsheeysan ka geystaan Agagaarka Madaxtooyada.

Labadaan nin ee la qabtay, ayaa la sheegay ineey horay isugu soo dhiibeen Doowladii Shiikh Shariif, balse ay la goosteen Lab Baabuur oo kuwa dagaalka ah.

Wali waxaan kala cadeyn qaabkii loo qabtay Raggaan, balse waxaa hada ku socda Baaritaano xoogan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here